Odayaasha Cadaado oo diiday inay la kulmaan Ra’iisulwasaare Kheyre

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, ayaa Maanta safarkii labaad muddo bil gudaheed ah ku tegay Magalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud, si uu u qanciyo bulshada ku nool Magalada Cadaado oo maalmahaan qabay tabashooyin kala duwan.

Wararka ayaa sheegaya in Odayaasha Dhaqanka Magalada Cadaado ay diideen inay la kulmaan Ra’iisul Wasaaraha, iyaga oo sheegay in uu balan hore uga baxay Ra’iisul Wasaaraha, isla markaana aysan la kulmeyn.

Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa markii uu tegay Cadaado waxaa uu la kulmay Siyaasiyiinta kasoo jeeda Magaladaas si Odayaasha Dhaqanka ay ugu qanciyaan inay la kulmaa Ra’iisul Wasaaraha balse taasi ay suurtageli weysay sida lagu helayo wararka ka imaanaya Magalada Cadaado.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa hadda wararku sheegayaan inuu safar dhinaca dhulka ah ugu ambabaxay Magalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug, isaga oo aan la kulmin Odayaasha Dhaqanka Magaalada Cadaado.