Saalax Xabiib Jaamac oo mar kale uu magacaabay Madaxweyne Deni.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, ayaa u Magacaabay Saalax Xabiib Jaamac Wasiir Dowlaha Wasaaradda Cadaalada, Arrimaha Diinta iyo Dastuurka.

Saalax Xabiib Jaamac ayaa horey Madaxweyne Deni ugu magacaabay Wasiiru Dowlaha Madaxtooyadda iyo Arrimaha Dastuurka, waxaana Magacaabistiisan cusub ay timid kaddib markii Madaxweynuhu uu dhowaan Magaca ka bedelay Wasaaradda Cadaaladda uuna ku daray Arrimaha Dastuurka oo horey loo hoos-geeyay Madaxtooyadda.

Wasiiru Dowlaha Cadaaladda, Arrimaha Diinta iyo Dastuurka  Dowladda Puntland Saalax Xabiib Jaamac, ayaa kamid ah Xubnaha yar ee ka hartay Xukuumaddii hore ee Madaxweyne C/weli Maxamed Cali Gaas, waxaana uu xiligaas ahaa Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Diinta.