Warbixin: Baadigoobka Hannaanka Doorasho ee ugu habboon sanadka 2020

Machadka Daraasaadka Siyaasadda ee Heritage ayaa warbixin ka soo saaray Baadigoobka Hannaanka Doorasho ee ugu habboon sanadka 2020, warbixintan lagu salleeyay hab cilmi baaris ah oo la xiriira taxanaha doorashadii hore dalka uga dhacay.

Markii shanaad ilaa sannadkii 2000, Soomaaliya waxa ay baadi-goobaysaa qaab doorasho oo dalka u horseeda hannaanka dimuqraadiyadda. Taasina waa arrin marna la bogaadiyo, marna astaan u ah dib-u-dhac, waji-gabax leh.

Hadalhaynta hannaan doorasho oo dimuqraaddi ah waxa ay muujinaysaa in dalku uu hakasho la’aan cagta saaray waddadii dimuqraaddiyadda isaga oo dalku uu ku yaal gobol ay siyaasaddiisa la hareen, maamullo keli-talis ah.

HALKAAN HOOSE KA AKHRISO WARBIXINTA.