Cali Maxamed Geedi “Kenya uma aha cadow Soomaaliya”

Ra’isul wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Maxamed Geedi ayaa ugu baaqay Dowladaha Somalia iyo Kenya inay ka fogaadaan Khilaafka Diblumaasiyadeed oo ka dhasha muranka Xuduud baddeedka ee labada dal u dhexeeya.

Cali Maxamed Geedi ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya oo ay ku wareysatay wakaalada wararka ee ANADOLU magaalada johannesburg ee dalka Koofur Afrika ayaa xusay in labada dal ee Soomaaliya iyo Kenya aysan cadow isku noqon karin oo ay ka dhexeyso xiriir dheer.

Sidoo kale Proff Cali Maxamed Geedi ayaa sheegay in qaxooti ka badan shan boqol oo kun oo Soomaali ah ay martigelisay dowlada Kenya kadib markii ay burburtay dowladii hore ee Siyaad Barre.

“Kenya caddow kuma noqon karto Somalia, sidaas oo kale, Somaliyana caddow kuma noqon karto Kenya” ayuu yiri Cali Maxamed Geeddi oo Ra’isul-wasaare ka soo noqday Dowladdii KMG sannadihii 2004-tii ilaa 2007-dii.

Sidoo kale Cali Maxamed Geedi ayaa wareysigiisa waxa uu ku soo hadal qaaday in Soomaali badan ay ku nooshahay gudaha dalka Kenya. Cali Maxamed Geedi ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya ayaa tusaale u soo qaatay in labada dal ee Kenya iyo Uganda ay isku haystaan lahaanshaha Jasiiradda Miligingo balse xiriirkoodu uu yahay mid caadi ah.