Madaxweyne Axmed Madoobe oo ammaan u jeediyay Ciidanka Jubbaland (Sawirro)

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa booqday deegaanka Cabdalla Biroole ee Gobolka Jubada Hoose.

Madaxweynaha Jubbaland oo ay wehelinayaan Sarakiisha kala duwan ee Ciidamada iyo xubno kale ayaa halkaas khudbad ugu jeediyay Ciidamada Darawiishta Dowlad Goboleedka Jubbaland isagoo ku amaanay dadaalka ay ugu jiraan xoraynta Dalka iyo sidii nabadgalyada ay usii adkayn lahayeen.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa sheegay in Amaanka ka jira Magaalooyinka waa weyn ay saldhig u yihiin Ciidamada ku sugan Deegaanada fog fog ee halkaas Argagixisada ku horfadhiya waxaa uu intaas ku daray in dhamaan Shacabka ree Jubbaland ay ku jiifaan oo ay yihiin halyeeyo naftooda u huraya dagananshaha iyo Dowladnimada Jubbaland

“Marwalba dadka Magaalooyinka joogaa niyada ayay idinku hayaan sida aad naftiina ugu hurteen eed cadowga uga hortaagan tihiin” ayuu yiri Madaxweynahu.