Puntland iyo Villa Somalia oo isku maan-dhaafay Doorashada Jubbaland

Khilaafka u dhexeeya Dowladda Puntland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maalmihii ugu dambeeyay sii xoogeystay, kaddib markii Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweyne Deni ay isku maandhaafeen Doorashada Degaanada Jubbaland.

Wararka ayaa sheegaya in is fahan waa uu kusoo dhamaaday Wada-hadal dhinaca khadka Taleefoonka ah oo dhex-maray Madaxweynaha Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni iyo Madaxweynaha Dowladda Federaalka Maxamed C/llaahi Farmaajo, kaas oo intiisa badan diirada lagu saaray xaalada Doorasho ee Jubbaland.

Madaxweynaha Puntland ayaa xogo hoose sheegayaan in uu uga digay Madaxda Dowladda Federaalka in la fara-geliyo Doorashada Baarlamaanka iyo Madaxtinimada ee Jubbaland, taas oo si habsami leh uga socota Magaalada Kismaayo.

Sidoo kale, Wararka ayaa sheegaya in Madaxweynaha Puntland uu xiriir la sameeyay qaar kamid ah Wakiilada Beesha Caalamka eek u sugan Xerada Xalane, isagoona kala hadlay xaalada Doorasho ee Jubbaland iyo in laga baaqsaday fara-gelin in lagu sameeyo Doorashada Degaankaas.

Madaxweyne Deni ayaa sidoo kale shalay Garoowe kulan kula yeeshay Safiirka cusub ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan, isagoona kala hadlay Doorashada Jubbaland, sheegayna in Puntland ay walaac ka qabto in DF ay fara-geliso.

War-saxaafadeedka dhowaan kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Puntland, ayaa lagu dhaliilay waraaq kasoo baxday Dowladda Federaalka, waxaana ay sheegtay Puntland in aysan aqbalayn in la hareer maro Dastuurka.

Si Kastaba ha ahaatee, Puntland ayaa si adag u diidan in la fara-geliyo Doorashada Jubbaland, waxaana lagu xasuustaa Puntland inay door weyn ka qaadatay dhismihii Jubbaland, Sidoo kalena ay isku khilaafeen Dowladii uu hoggaaminayay Madaxweyne Xasan Sheekh.