Puntland oo diiday in kulan lagu soo dhaweynayo Kheyre lagu qabto W/Gaalkacyo (War-saxaafadeed)

Dowladda Puntland ayaa deegaanadeeda ka mamnuucday in lagu qabto Shirarka iyo Barnaamijyadda la xiriira Arrimaha dhallinyarada ee aan fasax looga haysan Dowladda.

War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Shaqadda, Shaqaalaha, Dhalinyarada iyo Ciyaaraha, ayaa looga digay dhalinyarada inay jabiyaan Dastuurka iyo Jiritaanka Dowladda Puntland, ayna qabtaan kulamo loogu adeegayo waxyeelaynta Hanaanka Dowliga ah ee Puntland.

War-saxaafadeedka Wasaaradda Shaqadda iyo Dhalinyarada Puntland, ayaa imaanaya iyadoo saacadihii lasoo dhaafay ay soo baxayeen in Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo ee Puntland lagu qabanayo kulan lagu soo dhaweynaya Ra’iisulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo ku sugan Koonfurta Magaalada Gaalkacyo oo uu ka arrimiyo Maamulka Galmudug.