Taliyeyaasha Ciidamada oo booqday Xerooyin Ciidan (Sawirro)

Wasiiru Dowlaha Gaashaandhiga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Taliyaasha Ciidanka Qalabka Sida ayaa Maanta Booqdey Xeryaya Ciidamada dowladda ee ku yaalla Koonfurta Magalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.

Taliyaha Xoogga S/Gaas Daahir Aadan (Indha-Qarshe) ayaa Boqolaal Askari oo ka tirsan Ururka Guulwade ee Qaybta 21aad kula hadley Xarunta Bangiga ee Gaalkacyo, waxa uuna ku Amaaney  Ciidamadaas isku dhafka ah Shaqada wanaagsan  ay ka qabteen Nabadgalyada Magaalada Gaalkacyo Tan iyo Markii la  aas’aasay.

Sidoo kale Saraakiisha ayaa soo martay Xerada Ciidanka Booliska Koonfurta Gaalkacyo, Xarunta Daraawiishta, Xabsiga dhexe iyo Xarunta Ciidanka Asluubta.

Wasiir Dowlaha Gaashaandhiga Maxamed Cali Xagaa ayaa Amaaney Qaybaha kala duwan ee Ciidanka Amniga sida ay u Guteen waajibkooda iyo Nabada ka Muuqata Magaalada Gaalkacyo oo ah mid lagu diirsadey .