WAR DEG DEG AH: Jabhadda Col. Caare oo la wareegtay Ceergaabo iyo Dagaal culus

Wararka naga soo gaaraua Magaalada Ceergaabo ee xarunta Gobalka Sanaag ayaa sheegaya in Dagaal culus uu ka socdo Magaaladaas.

Dagaalkan oo ah mid culus ayaa u dhexeeya Ciidanka Maamulka Somaliland iyo Jabhadda xoreynta Dadka Reer Somaliland, kaas oo uu Hoggaaminayo Col. Caaro.

Dagaalkan ayaa yimid kaddib markii Ciidanka Jabhadda uu Hoggaamiyo Col. Caare ay saaka weerareen Magaalada, waxaana wararku sheegayaan in Jabhaddu ay la wareegtay gacan ku heynta Magaalada.

Wararka ayaa intaas ku daraya in Khasaare xooggan oo isugu jira Dhimasho iyo dhaawac uu ka dhashay dagaalkani.

Wixii Kasoo Kordha Kala Soco Idil News.