Mareykanka: Guulo ayaa laga gaaray dagaalka Al-Shabaab

Dowladda Mareykanka ayaa ku dhawaaqday in hormaro badan laga sameeyay dagaalka ka dhanka Kooxda Al-Shabaab eek a dagaalanta Soomaaliya.

Gen. Thomas D. Waldhauser, oo ah Taliyaha Ciidanka Mareykanka ee Qaarada Africa ee (AFRICOM), ayaa sheegay in Guulo badan laga gaaray dagaalka Shabaab, taasna ay horseedi doonto in la helo Soomaaliya amni iyo Dhaqaalo leh.

Gen. Thomas D. Waldhauser, ayaa sheegay inay si wadi doonaan Howlgalada ka dhanka ah Al-Shabaab, kuwaas oo lagu taageerayo Ciidanka Dowladda Soomaaliya iyo kuwa nabad ilaalinta ee AMISOM.

Hadalka Taliyaha Ciidanka Mareykanka ee Qaarada Africa ee (AFRICOM), xilli Dowladda Mareykanku ay dib u cusbooneysay Howlgalada Cirka ah ee ay Ciidamadeedu ka fuliyaan Soomaaliya.