Mudug: Maleeshiyaad weerar ku qaaday Gaari dad shacab ay saarnaayeen

Wararka naga soo gaaraya Gobalka Mudug ayaa Sheegaya in Maleeshiyaad hubeysan ay weerar ku qaadeen Gaari ay saarnaayeen Dad Shacab ah.

Weerarkan oo ka dhacay Nawaaxiga Degmada Saaxo ee Gobalka Mudug, ayaa sababay Khasaare dhimasho iyo Dhaawac oo soo gaaray dadkii shacabka ahaa ee gaariga saarnaa.

Wararka ayaa sheegaya in Shan Ruux oo shacab ah ay ku geeryoodeen Weerar, halka tiro intaas ka badana ay ku dhaawacmeen,

Dadka Degaanada oo la hadlay Shabakadda Idil News, ayaa sheegaya in Maleeshiyaadka Weerar ku qaaday Gaariga dadka Shacabka ay ka yimaadeen dhinaca Galmudug.

Wixii Kasoo Kordha kala soco Idil News