Shirkii Golaha Wasiirada Jubbaland oo looga hadlay arrimaha Doorashooyinka (Sawirro)

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta shir gudoomiyay kulanka golaha wasiirada.

Kulanka maanta waxaa lagaga hadlay sidii shacabka iyo Hay”adaha amaanku uga wada shaqayn lahayeen sugida nabadgalyada inta lagu guda jiro doorashooyinka, iyadoo loogu baaqay shacabka ree Jubbaland sidii lagu yaqaanay in Ciidamada amaanka ay gacan buuxda ku siiyaan sugida amaanka.

Arimaha Doorashooyinka ayaa la isku raacay in wakhtigooda ay ku dhacayaan qof walbana uu xor u yahay in uu ka qaybqaato iyadoo la marayo hanaanka iyo sharciyada Jubbaland u yaala.

Shacabka ayaa loogu baaqay in ay Midnimo iyo wadajirkooda adkeeyan maadama ay u baahan yihiin howlaha culus ee horyaala in midnimo iyo walaalnimo looga gudbo iyadoo loogu baaqay dhamaan ururada Bulshada iyo haldoorka deegaanku in ay ka qayb qaatan Midnimada Bulshada sidii loo adkayn lahaa.