VIDEO: Golaha Wasiirada Puntland oo ansixiyay Xeer muhiim ah

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, ayaa maanta shir guddoomiyay shirka Khamiislaha ah ee Golaha Wasiirada Dowladda Puntland.

Shirka ayaa intii uu socday looga hadlay arrimo ay kamid yihiin Amniga Puntland, Xuska Kowda Ogosto, Iyadoona warbixino Shirka looga dhageystay qaar kamid ah Golaha Wasiirada.

Golaha Wasiirada Dowladda Puntland ayaa intii uu shirku socday Meel-mariyay Xeerka Maareynta Dhulka Magaalooyinka Puntland,hoos ka daawo muuqaalka.

Halkan ka daawo muuqaalka