Wajiga 3-aad ee Garoonka Cawaale oo la dhagax-dhigay (Sawirro)

Wasiiro ka tirsan Dowladda Puntland oo ay Wehlinayaah Maamulka Gobolka Mudug, kan Degmada Gaalkacyo ayaa Dhagax dhigay Wajigii 3-aad ee Garoonka Kubada Cagtaa ee Cawaale Magaalada Gaalkacyo oo ay Dhisayso Shirkada Kebarco.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dilmuquraadiyadda ee Dowladda Puntland Maxamed C/rixmaan Dhabancad, oo ka hadlay dhagax-dhiga Wajiga 3-aad ee Garoonka Cawaale ayaa sheegay in Garoonkani uu yahay mid muhiim u ah Shacabka Puntland iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed.

Wasiir Dhabancad ayaa xusay in Garoonkan oo lagu soo dhisay labadiisii waji ee hore, lagu dhameystiri doono isku tashiga Shacabka iyo Dowladda Puntland.

Sidoo kale, Wasiirka Qorsheynta Puntland C/fitaax Xaange iyo Guddoomiyaha Gobalka Mudug, ayaa kula dardaarmay Shirkadda Kebarco oo dhisaysa Wajiga 3-aad ee Garoonka Cawaale inay si wanaagsan u gudato waajibkeeda, iyagoona sidoo kale sheegay inay ku dul-joogteeyaan.