Warbixin: 4-tii qof ee Afrikaan ah qof ayaa bixiya laaluush si uu u helo adeeg dowladeed

Hay’adda Transparency International , ayaa soo saartay warbixin sanadeed ku saabsan maalinta musuq maasuqa Caalamka,waxaana ay si gaar ah ugu eegtay Qaaradda Afrika.

47,000 oo qof oo Dadka ku nool 35 Dal oo  ah Qaaradda Afrika ayaa lagu sameeyay sahan ku saabsan musuqa iyo sida ay ku helaan adeegyada dowladda sida Caafimaadka iyo waxbarashada.

Ra’iyi ururinta ayaa muujisay in 47% dadkaas ay sheegeen in ay bixiyeen Laaluush si ay u helaan adeeg dowladeed.

Dadka ayaa sheegay in Booliska ay yihiin kuwa ugu badan ee dhaqaalaha ka hela laaluushka iyo musuqa.

Waxaa soo raaca Xildhibaannada ku jira Baarlamaanka, iyo xubnaha kale ee dowladaha ku yaalla Qaaradda Afrika.

Saraakiisha Dowladda ku jira ayaa qaata laaluush,waxaana boqolleydooda lagu sheegay 39% halka Xildhibaannada ay ku soo aadday 36%.

Dadka ku nool Afrika ee uu musuqa iyo Laaluushka uu saameeyay ayaa tiradooda lagu sheegay 130 Milyan oo qof.

Halkaan Riix si aad u Akhriso Warbixinta Hay’adda Transparency International.

Isha:Transparency International