Wasiir Cawad oo beeniyay Shirka Farmaajo iyo Uhuru ee Addis Ababa (DHAGEYSO)

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa beeniyay hadal heynta warbaahinta saddexda dal ee Soomaaliya, Kenya iyo Itoobiya ee ku saabsan kulanka labada Madaxweyne.

Wasiir Axmed Ciise Cawad ayaa sheegay in aysan jirin kulan u qorsheysan Madaxweynaha Soomaaliya iyo Madaxweynaha Kenya oo ka dhacaya Magaalada Adis ababa sida ay baahisay Warbaahinta.

Axmed ayaa sheegay in wasaaraddiisu qaabilsantahay arrimaha dibadda wararkaasna ay yihiin kuwo laga been abuurtay, waxaana uu intaas ku daray in uusan u jawaabi karin dad isaga ka xog ogaalsan, xilli uu wareysi siinayay BBC-da.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda Axmed Ciise Cawad.

Warbaahinta Soomaalida,tan Kenya iyo midda Itoobiya ayaa baahiyay in Ra’isalwasaaraha Itoobiya Abiye Axmed uu 13ka Bishan Adis ababa ku ballamiyay labada Madaxweyne ee Kenya iyo Soomaaliya.

Dowladda Kenya ayaa dhinaceeda sheegtay in warkaas haddii uu dhinaca Soomaaliya sax ka yahay ay soo dhaweyneyso muddo dheerna raadineysay go’aanka noocaas ah ee ku saabsan in Doodda Maxkamadda ICJ lagu dhameeyo meel aan maxkamaddaas ahayn.