12-ku geeriyootay Qaraxii iyo Weerarkii Hotel Cas-casey Kismaayo

Ilaa iyo Iminka 12 Ayaa La Xaqiijiyey In Ay Ku Dhibteen 48 Qofna Ku Dhawaacmeen Qaraxii iyo Weerarkii Maqribkii Lala Beegsaday Hotel Cas Casay Ee Magalada Kismaayo.

Dadka Ku Dhintay,ayaa ubadan Dad masuuliyiin ah waxaana Ka mid ah Musharax Madaxweyne Jubaland,Wariyayaal,Siyaasiyiin xilal soo qabtay,qurbajoog iyo Oday dhaqameedyo.

Xildhibaan Shuuriye oo ka mid ahaa musharaxiinta utartamayay xilka Madaxweyne ee Jubaland,ayaa ku jiray Dadka geeriyooday sida ay noo xaqiijiyeen ilo xog ogaal ah.

6-Dagaal yahan oo Al. Shabaab ah,ayaa weli Ka Dhex Dagalamaya Hotelka Sida naloo xaqiijiyay.

Ciidamada ammaanka,ayaa inta badan aslaaxiyay qolalka iyo qeybaha hotelka, waxaae la sheegay in raga hubeysan ay ku jiraan qeyb sare oo qol shub ka samaysan ah oo uu hotelka leeyahay.