Hawlgalkii sifaynta hotel Cas-casey Ee Ciidamada Jubaland oo gabagaba maraya

Illo wareedyo lagu kalsoonyahay,ayaa xaqiijiyay in badan laga badbaadiyay Hotel Cascaseey ee magaalada Kismaayo, halkaas oo ay weli gudaha ugu jiraan rag hubeysan oo xarakada Alshabaab sheegtay in ay iyaga ka tirsanyihiin.

Ciidamada ammaanka ayaa inta badan aslaaxiyay qolalka iyo qeybaha hotelka, waxaae la sheegay in raga hubeysan ay ku jiraan qeyb sare oo qol shub ka samaysan ah oo uu hotelka leeyahay.

Dadka lasoo badbaadiyay waxaa ka mid ah odayo dhaqameedyo magaalada u tagay hawlaha doorashada Jubbaland.

Maamulka Jubbaland weli kama uusan hadlin waxa dhacay, balse illo wareedyo,ayaa sheegaya in uu socdo shir guddiga amniga Jubbaland, kaasoo war laga soo saari doono ku aadan weerarka.

Magaalada Kismaayo ayaa ahayd meesha ugu amniga badan guud ahaan Koonfurta Soomaaliya, waxaana aad u yaraa qaraxyada iyo dilalka ka dhaca.

Laamaha amaanka Jubaland,ayaa ku dhex leh Magaalada ugu yaraan 15-bar koontarool oo ay ciidamada ku baaraan gaadiidka iyo dadkaba,