Ciidamada Jubbaland oo soo afjaray Weerarkii Hotel Madiina

Ciidamada amniga Dowlad Gobaleedka Jubbaland ayaa ku dhawaaqay in lasoo afjaray weerarkii Hotelka Madiina ee Magaalada Kismaayo, ayna haatan iyaga gudaha u galeen hoteelka.

Ilaa haatan lama xaqiijin karo baaxadda khasaaraha ka dhashay weerarkaasi balse warar hordhac ayaa waxay sheegayaan in ugu yaraan 7 qof ay ku dhinteen halka dhaawac badan oo aan tiradiisa la xaqiijin la dhigay Isbitaalka maagaalada Kismaayo.

Qaraxa ayaa waxaa ku geeriyooday dad magac leh oo ay ka mid tahay Hodan Naaaleeye iyo seeygeeda Jaamac Fariid.

Weerarka ayaa waxaa uu biloowday 6-dii fiidnimo ee xalay kaasi oo ay mas’uuliyaddisa sheegteen ururka Al-Shabaab.