Diyaarad ay lee yihiin Ciidanka Difaaca Qatar oo Dhuusa-mareeb ka degtay (Sawirro)

Diyaarad gaar ah oo sidday wafti ka socda Wasaaradda Difaaca ee dalka Qatar ayaa goor dhow gaaray Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Dowlad Goboleedka Galmudug.

Wafdiggaan ayaa garoonka Diyaaraddaha ee Dhuusamareeb, waxaa kusoo dhaweeyay Wasiir dowladdaha Wasaaradda Difaaca Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cali Xaggaa.

Kulan saaxafaddu dibed joog ka tahay ayay la qaadanayaan Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka  Xasan Cali Kheyre oo ku sugan Magaalada Dhuusamareeb.

Ma jirto cid si rasmi ah u og u jeedada Socdaalka Waftiga ee Magaalada Dhuusa-mareeb, balse wararka ayaa sheegaya in Kheyre uu u yeeray Masuuliyiintan, maadama uusan dhawaanahan tagi doonin Magaalada Muqdisho.