Donald Trump oo ku dhawaaqay xaalad deg deg ah

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa xaalad deg-deg ah uga dhawaaqay Gobolka Louisiana, iyadoo ay kasii dareeyso duufaan awoodeedu weyn tahay.

Duufaanta Barry ayaa kasoo karaar qaadaneysay Gacanka Mexico maalmihii lasoo dhaafay. Maasuuliyiinta ayaa sheegay in dabeylaha duufaantu ay ku socdaan 65 kiiloo-mitir Saacadiiba waxaana laga baqayaa in ay sii xoogeeysato.

Roobka ay duufantu wadato ayaa la filayaa in uu biyo dhigo Magaaldda New Orleans taas oo horayba uu daad dhigay roob gugac iyo dabaylo watay.

Waaxda Qaranka Mareykanka ee Saadaasha hawadda ayaa soo saartay diginiin ah in Daadadka ay ka dhalan karto khatar weyn.

“Socodka gaaban ee duufanta Barry waxaa ka dhalandoona roob muddo da’ayay iyo daadad khatar ah” ayaa lagu yiri war ay soo saartay waaxda Saadaasha Hawadda.

Ku dhawaaqista xaaladda deg-degga ah ee Madaxweyne Trump  ayaa sare u qaaday heeganka Dowladda Faderalku ay ugu jirto in ay Gobolka caawiso haddii uu xaaladda xakameyn waayo.