VIDEO: Khilaafkii labada Aqal ee BF Soomaaliya oo lasoo afjaray

Guddoonka labada Aqal ee Barlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ku guuleystay in ay xaliyaan khilaafkii ka dhex jiray, kuna dhawaaqay in ay dardargelin doonaan howlaha shaqo ee horyaala oo ay ugu horayso arimaha doorashooyinka 2020.

Gudoomiyaha Golaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa ku dhawaaqay in guud ahaan lasoo Afjaray Khilaafkii labadda Aqal, islamarkaana loo diyaar yahay u shaqeynta Umadda Soomaaliyeed.

Sidoo kale, Cabdi xaashi ayaa sheegay in howlaha Sharci dejinta ay yihiin qabyo hadii aysan wada shaqeyn labadda Aqal ee baarlamaanka Soomaaliya.

Gudoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa dhankiisa sheegay in dhibaato badan lala kulmay intii uu Khilaafku ka dhaxeeyay labadda Aqal.

Ugu dambeyntii, Guddoomiye Mursal ayaa tibaaxay in hadda ay dardar galin doonaan howlaha Sharci dejinta gaar ahaan howlaha doorashooyinka iyo Dastuurka.