VIDEO: Markab Xoolo ka qaaday Dekadda Berbera oo Lagu Xanibay Sacuudiga

Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Somaliland Xassan Maxamed Gaafaadhi, oo Saxaafadda kula hadlay Magaalada Hargeyso ayaa cadeeyey in markab Somaliland  xoolo nool ka qaadey afar cisho ka hor uu ku xayiran yahay  Dekadda Magaalada Jiddah ee dalka Sucuudiga.

Wasiir Gaafaadhi ayaa sheegay in tilaabaddan ay  timid kadib markii Dawlada Soomaaliya ay cabasho ka gudbisay Markabka oo Dekadda Berbera ka shiraacdey, ayna Dowladda Soomaaliya dooneyso in ogolaansho ay bixiso xoolaha Soomaaliya ku dhoofa.

Sidoo kale, Wasiirka Xanaanada Xoolaha Somaliland ayaa ku hanjabey hadii arintaasi xal loo waayo in ay Somaliland raadsan doonto suuqyo kale oo ay xoolaheeda u dhoofiso

Ugu dambeyntii, Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Somaliland ayaa sheegay in Shacabka Somaliland uu soo gaaray dhaawac weyn oo dhanka Ganacsiga ah, islamarkaana Xukuumada ay la imaan doonto Isbedel weyn,hoos ka daawo muuqaalka

Halkan hoose ka daawo muuqaalka