Wararkii ugu dambeeyay ee duqeyn ka dhacday Saakow

Duqeyn dhinaca cirka ah ayaa xalay ka dhacday Deegaano ka tirsan gobolka Jubbada Dhexe ee Dowlad Gobaleedka Jubbaland, Iyadoona lala beegsaday Saldhigyo ay lee yihiin Maleeshiyaadka Ururka Al-Shabaab.

Saraakiisha Ciidanka Jubbaland ayaa sheegay in duqeynta oo ka  dhacday degmada Saakow lala beegsaday Xarun uu ku sugnaa sarkaal sare oo ka tirsan Al-Shabaab.

Sidoo kale, Saraakiisha ayaa xusay in ilaa iyo dhowr qof  lagu dilay weerarkaasi duqeynta ah ee ka dhacday degmada Saakow.

Kooxda Al-Shabaab ayaa dhankooda weli ka hadlin duqeynta la sheegay inay xalay ka dhacday degmooyin ka tirsan Gobolada Jubbooyinka, waxaana inta badan weerarada noocaas oo kale ah fuliya Mareykanka oo taageera Millateri siiya Dowladda Federaalka Soomaaliya.