Beesha Sacad oo hor istaagtay qorshihii Ra’iisulwasaare Kheyre ee Galmudug (War-murtiyeed)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, ayaa carqalad cusub kala kulmaya dadaaladii uu ka waday deegaanada Galmudug, si dhiso Maamulka Galmudug oo lagu mideysan yahay, lana soo afjaro xiisadaha siyaasadeed ee ka jiray deegaanadaas.

War murtiyeed ayaa laga soo saaray shirweyne Beesha Sacad uga socday Koofur Gaalkacyo, waxaana shirka isugu yimid, waxgaradka, odayaasha iyo siyaasiyiinta beesha ku matala dowladda Federaalka.

Shirkan ayaa laga soo saaray war murtiyeed ka kooban shan bog, iyadoo Beesha ay cadeysay inay taageersan tahay shirka Nabadda Hobyo ee horay loogu baaqay, iyadoo shirkan ay caqabad u arkeysay dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, maadaama uu sii dheereynayo dhismaha Maamulka Galmudug.

Sidoo kale War murtiyeedka ayaa lagu sheegay in la isku waafaqay in magaalada Gaalkacyo ay noqoto gogosha shirka dib u heshiisiinta Beelaha Galmudug, maadaama Madaxweyne Farmaajo uu horay uga dhagax dhigay Gaalkacyo xarunta Nabadda iyo Dib u heshiisiinta Galmudug.

Dhanka kale, War-murtiyeed lagu sheegay in doorashada Galmudug loo madax banaaneeyo Beelaha Galmudug iyo waxgaradkooda, ayna Guddiyada maamulaya si madax banaan ay beelaha iska soo xushaan, isla markaana doorashada ay ka dhacdo goob ay u siman yihiin dadka reer Galmudug, heshiisna lagu wada yahay.