Sanaag: Wada-hadalo u bilowday Col. Caare iyo Maamulka Somaliland

Dadaalo lagu dhex-dhexaadinayo Maamulka Somaliland iyo Jabhadda uu Hoggaamiyo Col. Caare, ayaa ka bilowday Gobalka Sanaag.

Guddi ay kamid yihiin Waxgaradka iyo Dhaqanka ayaa bilaabay dadaaladan lagu dhex-dhexaadinayo Labada dhinac, sida uu u sheegay Warbaahinta mid kamid ah Waxgaradka Sanaag.

Wararka ayaa sheegaya in Wada-hadalo u dhexeeya Col. Caare iyo Guddiga dhex dhexaadinta ay ka socdaan Buuraha Kulmiye, isla markaana la filayo in xubno ka socda Somaliland ay wadahadalladaas ku biiraan.

Sidoo kale, Wararka ayaa intaas ku daraya in guddiga ay Korneel Caare ka dalbadeen in mudo Afar Cisho gudahood ah uu hubka ku dhigo, si uusan uga  dhicin Gobolka Sanaag dagaal dambo oo u dhaxeeya Soomaaliland iyo Ciidamada Korneel Caare .

Ciidamada uu Hoggaamiyo Col. Caare iyo kuwa ka tirsan Soomaaliland ayaa dhowr jeer ku dagaalamay deegaano ka tirsan gobolka Sanaag, waxaana Korneelka uu dhowr jeer ku hanjabay in uu weerari doono Magaalada hargeysa.