SIRDOON: NISA oo ku lug yeelatay weerarkii Kismaayo iyo Qabiilada ragii fuliyay

Shabakadda Idil News, oo kaashanaysa Hay’adaha Sirdoonka Jubbaland ayaa saacadihii lasoo dhaafay waday baaris ku aadan qaabkii uu u dhacay weerarkii lagu qaaday Hotel Cas-caseey ee Magaalada Kismaayo, kaas oo galaaftay Nolasha dad kor u dhaafaya 30 Ruux, sidoo kalena ay ku dhaawacmeen illaa 60 Ruux.

Xogo ay heshay Shabakadda Idil News, ayaa muujinaya in Tirada Dadkii fuliyay weerarkii Kismaayo ay gaarayeen 7 Ruux, lana abaabulayay weerar muddo ka badan 3 bilood, ayna iska kaashadeen Xubno sare oo kamid ah Sirdoonka Soomaaliya iyo Kooxda Al-Shabaab.

Sidoo kale, 5 Kamid aheyd maleeshiyaadka fuliyay weerar ayaa muddo Todabaad ah kahor soo gaaray Magaalada Kismaayo, waxaana Sirdoonku sheegeen inay la xariireen ganacsato iyo mulkiilaha lahaa Guriga weerarka laga soo abaabulay, kuwaas oo la fududeeyay iibsashada gaariga Qaraxa ismiidaaminta ah loo adeegsaday oo qiimihiisa lagu sheegay 5500 oo Dollar Mareykanka ah.

Laamaha Sirdoonka Jubbaland ayaa inoo xaqiijiyay in cadeymo la hayo ay muujinayaan Beelaha ay kasoo jeedeen Naftood haligayaasha, kuwaas oo u kala dhashay:

  • 2 Beesha Jareer Weyne ah
  • 1 Reer Siyaad Xusseen (Mareexaan)
  • 1 Dalxa (Mareexaan ah)
  • 1 Wagardhac (Mareexaan ah)
  • 1 Raxanweyn
  • 1 Maydkiisa waa la garan waayay (Ismiidaamiyihii)

Dhinaca kale, Hay’adaha Sirdoonka ee gacanta kula jira barista Weerarka Hotel Cascaseey ayaa xaqiijiyay in xubno kamid ah Sirdoonka Qaranka iyo kuwa Jubbaland ay qeyb ka ahaayeen fududeynta fulinta Weerar oo ahaa mid lagu bartilmaameedsanayay Hotelka oo saldhig u ahaa Siyaasiyiin, Ganacsato iyo Saxafiyiin u joogo Kismaayo Doorashada Dowlad Gobaleedka Jubbaland.