Trump ayaa Ilhaan Cumar ku yiri ” Waxaad ka timid Dalka Adduunka ugu Xun” !

Trump oo Weeraray Soomaaliya Iyo Ilhaan cumar ” Waxaad ka timid Dalka Adduunka ugu Xun !

Madaxwaynaha Maraykanka ee Donald Trump ayaa weerar ku qaaday xubno ka tirsan Xisbiga Dimoqraadiga kuwaasoo uu u sheegay inay ku laabtaan “dalalkooda ay dembiyadu la degeen” ee ay asal ahaanta kasoo jeedaan.

“Waxaa xiisa leh in ‘isbeddel doonka’ Dimoqraadiga ugu jira Koongarayska, oo asal ahaan kasoo jeeda dalal ay dowladohoodu yihiin kuwa gebi ahaanba musiibo ah, ugu liita, uguna musuq badan meel kastoo caalamka ah (haddiiba ay dowlad shaqaynaysa leeyihiin), ayay haatan cod dheer noogu sheegayaan sida ay tahay in loo maamulo Marayanka oo ah dalka ugu wayn uguna xooggan caalamka,” ayuu Madaxwyne Trump ku qoray tweet-kiisa.

“Maxay ugu noqon la’yihiin oo gacan uga gaysan la’yihiin furdaaminta meelaha gebi ahaanba burbursan ee ay dembiyadu la degeen ee ay ka yimaadeen,” ayuu qoray isagoo sii wata hadalkiisa .

Trump ayaa tweet-kan la sheegay inuu ku maagayo gabdhaha isbeddel doonka ah ee loo yaqaanno Kooxda ama ”The Squad” oo kala ah: gabadha New York metesha ee Alexandria Ocasio-Cortez, tan Michigan ee Rashida Tlaib, gabadha Soomaaliyeed ee Minnesota laga soo doortay ee Ilhan Omar oo u muuqata qofka warka intiisa badani ku socdo, iyo midda Massachusetts ee Ayanna Pressley

WD.Abdirisak Jubba