Video:-Axmed Karaash oo si weyn loogu soo dhaweeyay Garowe

Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash iyo wefti balaadhan oo uu hogaaminayo ayaa maanta si diiran loogu soo dhoweeyey caasimadda Puntland ee Garoowe.

Soo dhoweynta weftiga Madaxweyne Karaash ayaa waxaa qayb ka ahaa Masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha Dowladda, Maamulka gobolka Nugaal, kan degmada Garoowe, saraakiil ciidan iyo masuuliyiin kale.

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland ayaa safaro shaqo dalka uga maqnaa muddo 11 cisho ah, waxa uu 11-kii bishan kasoo dagey xarunta ganacsiga Puntland ee Boosaaso oo uu shaqooyin badan kasoo qabtay maalmihii uu ku sugnaa.

Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland ayaa ka mahadnaqay soo dhoweynta balaadhan ee loo sameeyey isaga iyo weftigiisa, waxa uu xusay inuu soo maray gobolada Bari iyo Karkaar, Isla markaana waxa uu Alle uga mahadnaqay inuu soo nabad celiyey dalkoo oo nabad ah.

Ugu dambayn, Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa ka tacsiyeeyey waxyeeladii weerarkii bahalnimada ahaa ee ay cadawga Soomaaliyeed ka geysteen magaalada Kismaayo, waxaa uu Alle u waydiiyey inuu u naxariisto intii dhimatay, intii ku dhaawacantayna uu u boogadhayo, Samir iyo iimaanna ka siiyo eheladii, qaraabadii, qoysaskii iyo asxaabtii muwaadiniintaasi shihiidey.

-DHAMMAAD-
XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.

Halkan ka daawo muuqaalka