Video:-Baarlamaanka Puntland oo ku dhici waayay talaabo ka qaadida shirkada HRM

Baarlamaanka Dowlada Puntland ayaa wax ka badal ku sameeyey shirkadda HRM oo maamusha garoomada diyaaradaha ee Puntland.

Shirkaddan oo ay heshiis 20-sano ah lagashay xukuumaddii Madaxweyne Gaas ayaa 5-sano laga jartay muddadaas iyada oo lacagta ay qofka dhoofaya ka qaaddo oo ahayd $20 dollarna laga dhigey $18 dollar.

Waxaa muuqata in Xildhibaanada la dhexgalay lana shaasheeyay talaabadii shacabku ka filayay ee ahayd in ay meesha ka saraan shirkadan iyo lacagta ay qaado.

Go’aanka kasoo baxay Baarlamaanka mahan mid macno badan samaynaya,isla markaana cunaqabataytii ka qaadaya garoomada Puntland ee u xirmaysan shirkada HRM oo uu saamigeeda ugu badan leeyahay Maxamuud Shido Mulkiilaha Madaxweynaha ama hagaha Xukuumada ee dadban,hoos ka daawo muuqaalka.

Halkan ka daawo muuqaalka