Wararkii ugu dambeeyay ee Qaraxyo ka dhacay Dhuusa-mareeb

Labo Qarax ayaa ka dhacay Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Dowlad Gobaleedka Galmudug, kuwaas oo sababay dhimasho iyo dhaawac.

Qaraxa Kowaad oo ahaa Ismiidaamin ayaa ka dhacay Maqaaxi kasoo horjeeda Xarunta Inji ee Magalada Dhuusamreeb oo uu ku Shaqeeyo Madaxa Xukuumadda Maamulka Galmudug ee. 

Wararka ayaa sheegay in qaraxaas uu ku dhintay Ruuxii ismiidaamiyay, isla markaana ay ku dhaawacmeen ilaa Saddex Ruux, sidoo kalena uu burbur xoogan soo gaaray Maqaaxida.

Qaraxa labaad ayaa la sheegay in uu ka dhacay agagaarka Maqaayada Dhagacade ee Magaalada Dhuusamareeb oo ku dhow Saldhiga Booliska dhuusamareeb, waxaana la sheegay in uu ahaa Qarax lagu diyaariyey Gasac CaanA-Booro oo la Dhigey meel wadada Dhinaceeda ah, isla markaana Ciidamada Booliska ay qarxiyeen.

Xaalada Magalada Dhuusamnareeb ayaa Maanta ka duwan sidii hore,waxaana wararku sheegayaan in inta badan Wadooyinka waa weyn  ee Magaalada Dhuusamareeb la dhigay ciidamo farabadan, kuwaas oo dadka iyo gaadiidka u diidaya goobaha qaar.

Si Kastaba ha ahaatee, Qaraxyadan ka dhacay Dhuusa-mareeb ayaa imaanaya iyadoo Magaaladaas uu ku sugan yahay Ra’iisulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, kaas oo olale Siyaasadeed ka wada.