VIDEO: Madaxweynaha Puntland oo digniin u diray dadka kasoo hor-jeeda Xukuumadiisa

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, ayaa digniin adag u diray Dad uu sheegay inay wadaan qorshayaal la doonayo in la isaga hor-keeno Dowladda Puntland iyo Shacabkeeda.

Madaxweyne Deni ayaa sheegay inay degaanada Dowladda Puntland kusoo badanayaal kooxo qas-wadayaal ah, kuwaas oo u adeegay danno laga keenay banaanka Puntland, oo la doonayo in lagu hor istaago amniga iyo hormarka Puntland.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in aysan aqbali doonin in la waxyeeleeyo amniga iyo hormarka ka socda Puntland, eek u yimid wada-shaqeynta Shacabka iyo Dowladda, ayna tilaabo adag ka qaadi doonaan.

“Waxaan aad oga digayaa dadka doonaya iney Puntland hoggaankeeda wiiqaan, iney dadka dhalinyaradeeda ku kiciyaan waxaan munaasib aheyn, maaha in dadka waxaan jirin loo akhriyo, laakiin waa inuu qeexanyahay hayaankaan aan u soconno, cid kastana ogtahay” ayuu yiri Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid C/llaahi Deni

Sidoo kale, Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in Puntland ay tahay hormuudka Soomaaliya ee lagu daydo aysana macquul aheyn in cidi hor istaagto Nabadda iyo Hormarka ay dadkeedu kusoo dhaqmayeen in ka badan 20 sanno oo ay jirtay Puntland.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, ayaa hadalkan ka sheegay Munaasabad maanta lagu daah-furayay duulimaadyadda Shirkadda Ethopian Airline ee Degaanada Puntland.

Hadalka Madaxweyne Deni ayaa imaanaya xilli maalmihii ugu dambeeyay Puntland ay kusoo badanayeen dad kasoo hor-jeeda Xukuumadda Puntland, kuwaas oo xariiro iyo wada-hadalo la leh Dowladda Federaalka ee fadhigeedu yahay Xamar.