Agaasimihii Ciidamada Badda oo xilkii uu ka qaaday Madaxweyne Deni

Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xilka ka qaaday agaasimihii ciidanka badda Puntland ee PMPF Cabdiraxmaan Maxamuud Xaaji Xassan.

Madaxweynaha ayaa agaasimaha cusub ee PMPF u magacaabay Cabdirabbi Cismaan Maxamed oo uu adeer labaad u yahay,waxaana dhalay ina adeerkii laxmiya.

Maalin ka hor ayay ahayd markii Marwada Koobaad ee Puntland Walaalkeed loo magacaabay Agaasimaha Furdooyinka Puntland.

Mahan wax ku cusub Puntland ama lala fajaco,balse waa dhaqan soo jireen ah oo ay kuwada dhaqmayaeen dhamaan madaxdii soo martay Puntland.

Waxa kaliya ee la yaqiinsaday,ayaa ah in aysan jiri doonin isbadal ku yimaada hanaankii maamul ee soo jireenka ahaa.