Kenya oo sheegtay inay dishay Xubno ka tirsanaa Al-Shabaab

War qoraal ah oo kasoo baxay Ciidamada Booliska dalka Kenya ayaa waxaa lagu sheegay in howlgal ay sameeyeen Ciidamadu ay ku dileen Saddex Xubnood oo ka tirsanaa Ururka Al-Shabaab,xilli ay ku sugnaayeen deegaanka Kayunga ee xadka ay wadaan Soomaaliya iyo Kenya.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in xilliga la dilayay Xubnaha ay miino ku aasayeen deegaanka Kayunga,qaraxaas oo ay doonayeen inay ku waxyeeleeyaan Ciidamada ilaalada xaduudka,waxaana is rasaaseyn dhexmratay ciidamada iyo Ragga ka tiursanaa Al-Shabaab ay sababtay dhaawaca laba ka mid ah Ciidamada Booliska Kenya.

Sidoo kale Booliska Kenya ayaa sheegay inay hayeen xog ku saabsan Xubanaha ka tirsan Al-Shabaab ee ku sugnaa deegaanka Kayunga,sidoo kalena ay weli raad joogaan Xubno kale oo ka tirsan Al-Shabaab.

Dadka deegaanka Kayunga ayay Boolisku  sheegeen inay yihiin kuwa had iyo jeer taageera Al-Shabaab,hayeeshee Ciidamada Kenya ay yihiin kuwa doonaya inay ilaashadaan xaduudkooda,isla markaana ay baacsan doonaan cid kasta oo gacan siisa Al-Shabaab.

Si kastaba hadalkaan kasoo yeeray Ciidamada Booliska Kenya ayaa imaanaya xilli inta badan deegaano ka tirsan Gobolka Waqooyi bari ee dalkaasi ay mararka qaar ka dhacaan qaraxyo lala eegto Ciidamada Booliska Kenya,,waxaana qaraxyadaas mas’uuliyadooda sheegta Al-Shabaab.