Maamulka Gobolka Karkaar oo kormeeray Shil-gaari oo ka dhacay Deegaanka Alxamdulilaah (Sawirro)

Wafti uu hogaaminayo Gudoomiyaha Gobolka Karkaar Saciid Maxamed Faahiye ayna weheliyaan Taliyaha Qaybta Gobolka Karkaar Cabdiqaadir Jaamac Dirir, Gudoomiyaha Degmada Waaciye Isxaaq Axmed Xasan iyo sii hayaha Gudoomiyaha Dhalinyarada Gobolka Karkaar Axmed Muuse Cali ayaa kormeer ku tagay shil-gaari oo ka dhacay deegaanka Alxamdulilaah ee Degmada Waaciye.

Shil-kaan gaari oo ahaa kuwa xamuulka qaada ayaysan cid wax ku noqon, balse waxaa ku bakhtiyay qaar ka mid ah xoolihii uu siday. Sidoo kalena gaariga shilkaan galay ayaa xiray wadada hal-bawlaha ah ee isku xirta Magaalooyinka Boosaaso iyo Qardho taas oo hakad uu ku yimi waqti kooban.

Maamulka iyo Taliska qaybta oo kaashanaya Maamulka Degmada Waaciye ayaa ka hawl-galay dhacdadaas iyagoo dalbay gaari wiish ah oo laamiga ka qaadi doona gaariga shilka galay.

Sidoo kale masuuliyiinta ayaa dareewalada ka codsaday in meelaha khatara leh ee wadooyinka si taxadar leh loogu dhug-yeesho marka la marayo.