Maamulka Gobolka Karkaar oo la kulmay Dhalinyarada Ciyaaraha ee Gobolka (Sawirro)

Gudoomiye ku xigeenka 1aad ee Gobolka Karkaar Cabdicasiis Yuusuf Caamir oo uu weheliyo Gudoomiyaha Deqmada Qardho Cabdi Saciid Cismaan ayaa kulan la qaatay bahda ciyaaraha ee Gobolka Karkaar.

Dhalinyarada iyo Maamulka ayaa iska xog-waraystay sida ay tahay xaalada dhalinyarada dheesha kubada cagta, baahiya jira iyo qorsha-yaasha lagu dardargelinayo dhismaha garoon cusub oo Magaalada Qardho yeelanayso.

Guuleed Cabdirisaaq Kiboonge Wakiilka Xiriirka kubada cagta Puntlan ee Gobolka Karkaar oo ugu horayn goobta ka hadlay wuxuu sharaxay tirada kooxaha ka dhisan Magaalada, Baahiyaha haysta dhalinyarada. Wuxuu carabka ku adkeeyay in dhalinyaradu ay dawlada iyo qurba-joogtaba ka sugayaan sidii ay qayb uga qaadan lahaayeen dhismaha garoonka ciyaaraha Qardho.

Cabdi Saciid Cismaan Duqa Degmada Qardho waxa uu dhalinyarada bahda ciyaaraha ku bogaadiyay sida ay ugu bisil yihiin in ay ka shaqeeyaan horumarka deegaankooda. Ka dawlad ahaan waxa uu sheegay in meel wanaagsan ay marayso qorshaha dhismaha garoonka kubadda cagta Qardho dawladuna ay qaybteeda ka qaadan doonto.

Qaar ka mid dhalinyarada ciyaaraha ee Qardho oo goobta ka hadlay waxay sheegeen in dhalinyaradu ay baahi wayn u qabaan in laga taageero helida garoonkii ay ku ciyaari lahaayeen iyo qalabka sports oo isaguna muhiim u ah kooxaha. Waxayna ganacsatada ka codsadeen in la maalgeliyo dhalinyarada sports ee Gobolka Karkaar.

Mudane Cabdicasiis Yuusuf Caamir Gudoomiye ku xigeenka Gobolka Karkaar oo gabagabadii kulanka ka hadlay waxa uu xusay in kui faraxsanahay in uu la kulmo dhalinyaradii uu la shaqayn jiray.

Xiir wuxuu tilmaamey in uu si dhaw ula socdo waxyaabaha ay tabayaan dhalinyarada ciyaaruhu, Maanta oo uu joogo xafiiska Gobolkana uu diyaar u yahay in uu wax badan ka qabto.

Mudane Cabdicasii wuxuu cod dheer ku dalbaday in dhamaan jaaliyadaha iyo Bulshada Gobolka Karkaar ay u istaagaan sidii ay Garoonka kubada Cagta Qardho u dhisi lahaayeen.