NISA oo War kasoo saartay howlgal ka dhacay duleedka Muqdisho

Qoraal lagu soo daabacay barta Twitter-ka ee NISA ayaa lagu sheegay in howlgal ka dhacay todobaadkii hore duleedka Muqdisho lagu soo qabtay shaqsi u shaqeynayay shirkad ganacsi.

Lama sheegin magaca shaqsiga iyo shirkadaba ganacsiga uu u shaqeeynayay, hase ahaatee waxaa la sheegay in lagu tuhunsan yahay shaqsigaas u sahlida isu kala gudbiska dhaqaalaha shabakad xaalado amni daro ka waday magaalada Muqdisho.

“Sida aan kusoo gudbinay “Tweet” kii hore ee(11/7/2019), ciidanka Amniga ayaa soo qabtay shakhsi u shaqeeya shirkad ganacsi, kaasoo lagu tuhunsanyahay u sahlida isu gudbiska dhaqaalaha shabakad xaalado amni daro kawaday Magaalada Muqdisho”ayaa lagu yiri qoraalka lagu daabacay barta Twitter-ka ee NISA

Inta badan qoraalada NISA ku soo daabacdo barta ay ku leedahay Twitter-ka ayay faah faahintooda ay aad u kooban yihiin, waana tan keentay in aan wax badan laga ogaan howlgalada NISA ka sameyso Muqdisho iyo hareeraheeda oo qoraal kaliya lagu ogaado.