VIDEO: Dowladda Federaalka iyo Dowlad Gobaleedyada oo ku shirsan Garoowe

Waxaa maalintii labaad ka socda Magaalada Garoowe ee Caasimadda Dowladda Puntland , Shir u dhexeeya Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Wasiirada Wasaaradaha Shaqada ee Dowladaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka, kaas oo looga hadlayo Arrimaha Shaqo Abuurka Dhalinyarada Soomaaliyeed.

Shirkan oo ay Marti-gelisay Wasaaradda Shaqadda, Shaqaalaha, Dhalinyarada iyo Ciyaaradaha Dowladda Puntland, ayaa shalay furmay, Iyadoona qorshuhu yahay in lasoo gaba-gabeeyo Maalinimada berrito ah.

Wasiirka Wasaaradda Shaqadda, Shaqaalaha, Dhalinyarada iyo Ciyaaradaha Dowladda Puntland Jaamac Faarax Muuse, ayaa sheegay in Shirka maanta ay si gaar ah u yeelanayaan  Wasiirada heer Federaal iyo heer Dowlad Gobaleed, kuwaas oo isla meel-dhigaya sidii shaqo abuur iyo jiheyn loogu sameyn lahaa dhalinyarada Soomaaliyeed.