VIDEO: Puntland oo ka hadashay dhul-gariir ka dhacay Degaano kamid ah Gardafuu

Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Dowladda Puntland Mudane Faarax Maxamuud Cawaashe, ayaa sheegay in dhul-gariir xooggani uu ka dhacay qeybo kamid ah dhul xeebeedka Gobalka Bari.

Wasiir Cawaashe oo shir jaraa’id maanta ku qabtay Magaalada Garoowe, ayaa sheegay in dhul-gariir uu ka dhacay Badda dhex-deeda, gaar ahaan meel 171-KM dhanka Waqooyi Galbeed ee gacanka cadmeed kaga began Degmada Bareeda ee Gobalka Bari.

Sidoo kale, Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga Dowladda Puntland ayaa sheegay in aysan jirin wax khasaare ah oo ka dhashay dhul-gariirkaas, balse ay jirto cabsi ah in mar kale dhul-gariir uu ka dhaco Degaan xeebeedka Gobalka Gardafuu.