Congress-ka Mareykanka oo cambaareeyay Donald Trump (Akhriso)

Aqalka Wakiilada Maraykanka ayaa cod ku meel mariyay qaraar lagu cambaareynayo madaxweynaha Maraykanka Donald Trump iyo hadalkii cunsuriyadda uu ku yiri afar Gabdhood oo ka tirsan Aqalkan.

240 xildhibaan ayaa ku codeysay Haa halka 187 xildhibaaan ay ku codeysay Maya taas oo ka dhigan in 4 xildhibaan oo ka tirsan xisbiga Jamhuuriga ee Trump iyo waliba xildhibaanka kaliya ee madaxa banaan Justin Amash ay codkooda ku biiriyeen dimoqoraadiyiinta, iyadoo xildhibaanadan uu ka mid yahay ninka kaliya ee madoowga ah ee xisbiga Jamhuurigaka tirsan Will Hurd.

Islamarkii la meelmariyay qaraarka, xildhibaanka xisbiga dimoqoraadiga Al Green ayaa diiwaangaliyay mooshin codka kalsoonida loogu qaadayo Donald Trump. Madaxda xisbiga ayaase diidan in ay horey usii wadaan arrinka xil ka xayuubinta Trump xilli xubno badan oo xisbiga ah ay arrintaas ku baaqayaan.

Xildhibaanka mooshinka keenay oo kasoo gala gobolka Texas ayaa Trump ku eedeeyay in xafiiska ugu sareeya Maraykanka uu usoo jiiday sharaf darro , kana dhigay meel lagu maadeysto.

Qaraarka la meel mariyay ayaa qoraya in dhammaan dadka Maraykanka, marka laga reebo dadkii loogu yimid meesha iyo kuwii Madoowga ah ee addoonsiga loo keenay in ay yihiin muhaajiriin ama firkii dad muhaajiriin ahaa.

Waxa kale oo mooshinka lagu xusay in waddanimada aysan ahayn isirka qof, ee balse ay tahay hadba sida uu qofka ku difaaco dastuurka oo ku dhisan sinnaan, xoriyad, ka wada mid ahaansho iyo waliba dimoqoraadiyad.

Madaxweyne Trump oo maalintii axaddii soo dhigay tiro fariimo ah oo dhanka Twitter-ka ah ayaa afarta hablood ee kala ah Alexandria Ocasio-Cortez , Ilhaan Cumar, Ayanna Pressley iyo Rashida Tlaib u sheegay in ay isaga laabtaan dalalkii ay ka yimaadeen, halkii ay dowladda Maraykanka u sheegi lahaayeen sida ay tahay in wax loo sameeyo.

Isha BBC