Dowladda Soomaaliya oo safiir cusub u magacowday Mareykanka

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa sanad kadib waxaa ay safiir Cusub u magacaawday dalka Mareykanka,xilkaas oo bannaanaa,waxana loo loo Magacaabay in uu booskaasi Buuxiyo Cali Shariif Axmed.

Mudo sanad ah Soomaaliya wax safiir ah kuma laheyn dalka Mareykanka,kadib markii safiirkii u joogay dalkaasi mareykanka ee Axmed Ciise Cawad loo Magacaabay Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya.

Safiirka Cuusb ee Soomaaliya u magacaawday dalka Mareykanka ee Cali Shariif Axmed ayaa horay waxaa uu u soo noqday Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalalka Itoobiya iyo Faransiiska,waxaana haatan uu noqday Safiirka Soomaaliya u fadhin doona Mareykanka.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Xukuumadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa mudo Afar sano ah haayay xilka Safiirka Soomaaliya u fadhiya Mareykanka oo loo Magacaabay sanadkii 2015-kii.

Dhawaan ayaa la filayaa in danjire Cali Shariif Axmed uu u ambabaxo dalka Mareykanka si uu ula wareego Shaqadii safiirnimo,isla markaana uu u guto waajibaadka qaran ee loo igmaday.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa tan iyo intii ay jirtay waxa ay safiiro u Magacaawday dalal dhowr ah,waxaana safiirada la magacaabay ugu dambeeyay Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya Amb, Maxamuud Axmed Nuur  (Tarsan).