Maamul cusub oo loo magacaabay garoonka diyaaradaha Badhan

Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada Dowladda Puntland Ilyaas Cismaan Lugatoor (Gabiley), ayaa maareeye cusub u magacaabay garoonka diyaaradaha degmada Badhan ee gobolka Sanaag.

Dikreeto kasoo baxday xafiiska Wasiirka ayaa maareeyaha cusub ee garoonka diyaaradaha degmada Badhan loogu magacaabay Eng. Cabdiraxmaan Cabdi Shire, halka Axmed Jamaal Axmed loo magacaabay xisaabiyaha garoonka diyaaradaha Badhan.

Labada Masuul ee loo magacaabay Mareeyaha iyo Xisaabiyaha Garoonka Diyaaradaha Degmada Badhan, ayaa sida la sheegayo kamid ah dhalinyarada aqoonta leh ee ku nool degmada Badhan iyadoo hore madaxweynaha Puntland-na u ballan-qaaday in xukuumaddiisu ay dhanka shaqooyinka mudnaan gaar ah siinayso dhalinyarada Puntland ee waxbartay.