Muqdisho: Al-Shabaab oo sheegatay Masuuliyadda dilal loo geystay Ciidanka Dowladda

Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda dilal saacadihii la soo dhaafay ka dhacay magaalada Muqdisho, kuwaa soo ay ku beegsatay saraakiil ka tirsan Ciidanka Milateriga iyo Booliska Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Qaraal lagu daabacay baraha Internet-ka ee taageera Al-Shabaab, ayaa lagu sheegay in rag bastoolado ku hubeysan ay shalay gelinkii dambe ku dileen agagaarka Isgoyska Afarta Jardiino Askari ka tirsanaa ciidanka xoogga dalka oo lagu magacaabayay Cumar Colow.

Askarigan ayaa la sheegay in xilliga la dilayay uu watay Mooto, waxaana mootada horay u kaxeystay kooxdii dilka geystay, waxaana wararku sheegayaan inuu Askarigan ka mid ahaa muddooyinkii u dambeeyay Ilaalada Taliye kuxigeenka NISA.

Sidoo kale, Al-Shabaab ayaa sheegtay in sarkaal ka tirsan Ciidanka Booliska ku dileen degmada Dharkeenley, waxaana sarkaalka ay dileen lagu sheegay magaciisa Xidigow Cumar Dhegajuun.

Dilalkan labada askari ayaa tirada askarta lagu dilay 48-kii saac ee la soo dhaafay uu ka dhigayaa illaa saddex askari, iyadoo habeen ka hor agagaarka Isgoyska Sanca lagu dilay Askari Boolis ah.