Puntland oo amar dul-dhigtay Hay’adaha ka howlgalla Gobalka Mudug (Akhriso)

Dowladda Puntland ayaa amar adag dul-dhigay Hay’adaha ka howlgalla Gobolka Mudug ee Dowladda Puntland, kaas oo ku saabsan howlaha Shaqo oo ay hay’adahaas ka hayaan Guud ahaan deegaanada Gobolka Mudug.

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Guddoomiyaha Gobolka Mudug Axmed Muuse Nuur, ayaa Haya’daha lagu wargeliyay  in dhaqdhaaqooda Shaqo u soo gubiyaan Maamulka Gobolka si ogolaansho loo siiyo sida shirarka , Siminaarada iyo safarada  intaba.

Gudoomiyeyaasha degmooyinka Gobolka Mudug ee dhinaca Puntland ayaa la faray inay Hay’adaha Caalamiga kala Sahqeeyaan una fududeeyaan howlaha ay u hayaan Shacabka ku nool Gobolka mudug.