Madaxweyne Deni oo joojiyay balaarinta caasimada Ee dhanka Bixin

Madaxweyne Deni ayaa Xeer Madaxweyne ku joojiyey Dhismeyaasha iyo Deegaamaynta Dhul-daaqsimeedka Dooxooyinka Waw iyo Bixin.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xeer Madaxweyne Lr 03, ee 17ka Luulyo 2019, wuxuu ku joojiyay dismeyaasha iyo deegaamaynta Dhul-daaqsimeedka Dooxooyinka Waw iyo Bixin ee u dhexeeya Garoowe iyo Buuro wadal.

Ku: Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyaynta.Ku: Wasaaradda Deegaanka, Beeraha iyo Is-bedelka Cimilada.

Ku: Wasaaradda Amniga iyo DDR

Ku: Taliyaha Ciidanka Daraawiishta

Ku: Taliyaha Ciidanka Booliska

UJeeddo: Joojin Dhismeyaasha iyo Deegaamaynta Dhul-daaqsimeedka Dooxooyinka Waw iyo Bixin.

Waxaa Dhammaan Wasaaraddaha iyo Teliyeyaasha Ciidamada Booliska iyo Daraawiishta ee warqadani sida tooska ah ugu socoto lagu wargelinayaa laga bilaabo maanta oo ay Taariikhdu tahay 17/07/2019 in la joojiyay dhismeyaasha iyo deegaamaynta Dhul-daaqsimeedka Dooxooyinka Waw iyo Bixin ee u dhexeeya Garoowe iyo Buuro wadal.

Dooxooyinkaas oo Dowladda Puntland u aqoonsantahay in ay yihiin Dhul-daaqsimeed, ciddii ku xad-gudubtana laga qaadi doono tallaabo sharciga waafaqsan.

– Xeerkan wuxuu dhaqangelaya marka uu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.