VIDEO: Baarlamaanka Puntland oo codka xasaanada ah siiyay Hanti-dhowraha cusub

Golaha shacabka Dowlada Puntland ayaa manta kulan ay ku yesheen xaruntooda garowe waxa ay codka aqlabiyad leh ku ansixiyeen Gudoomiyaha cuusb ee xafiiska hanti dhowrka guud Puntland Mudane Cabdirisaaq Cumar Faarax kaas oo uu dhawaan soo magacabay madaxwaynaha dowlada Puntland Siciid Cabdulhi Deni.

Gudoomiyaha cusub ee xafiiska hanti dhowraha guud ee Puntland Cabdirisaaq Cumar Faarax  ayaa baarlamanka ka hor akhriyay Tariikh nololeedkisa iyo Qorshaha waxqbaad ee uu ku maamuli doono xafiiska cuusb ee loodhibay.

Gudoomiyaha golaha wakiilada dowlada Puntland Cabdixakiin Maxamed Axmed ayaa hadalo dardaaran ah ujeediyay gudoomiyaha cusub ee xafiiska hanti dhworka guud Puntland Cabdirisaaq Cumar Faarax, iyadoo uu isla goobtana ku dhaariyay Gudoomiyaha cusub garsoore katirsan Maxkamada sare ee Dowlada Puntland.