Video:-Ilhaan Cumar oo si adag ugu jawaabtay Trump iyo taageerayaashiisa

Ilhaan Cumar oo ka tirsan Aqalka Wakiilada ee Congresska Mareykanka ayaa soo dhigtay bogeeda Twitterka Arbacadii shalay, sawirkeeda, iyadoo xiran xijaab, kuna fadhida kursiga Afhayeenka Aqalka, sawirkaa oo xambaarsanaa fariin ku soctay Madaxweyne Trump iyo taageerayaashiisa.

“Waxaan ku suganahay halkii aan mudnaa ee aan lahaa, aqalkii shacabka Mareykanka. Waa inaad liqdaan” ayey ku tiri Ilhaan Fariinteeda oo ay kaga jawaabeysay hadal uu Trump maalmahan ku celcelinayay, taageerayaashiisuna ay ku dhawaaqayeen oo ay ku lahaayeen Ilhan “ku noqo halkii aad ka timid” oo ay Soomaaliya ula jeedeen.

Sidoo kale, Ilhaan Cumar ayaa xalay ku soo xigatay fariin ay Twitterka soo dhigtay tuduc ku jirta gabay ay horey u tirisay, Maya Angelou, oo aheyd haweeneey gabyaa ah oo ka soo jeeday dadka madow ee Mareykanka, tududaas oo u dhigneyd sidan:

“Waxaad igu toogan kartaan ereyadiina, indhiiina waad i goyn kartaan, naceybkiina waa igu dilli kartaan. Laakiin sidaas oo ay tahay, sida dabeysha oo kale, waan soo kacayaan.

Hadalka Ilhaan ayaa ku soo beegmay iyadoo maalintii afaraad oo isku xigta uu Trump hadallo cunsuriyad ah ku weeraray, Ilhaan cumar iyo sade gabdhood oo kale oo ay Aqalka Wakiilada ee Kongareeska kuwada jiraan.

Hadaladaa ayaa haweenkaa ku lahaa “ka taga Mareykanka oo aada meesha aad asal ahaan ka soo jeedaan”