Video:-Senatar Siciido”Farmaajo waa qabyaaladiiste cadayna waxaa kugu filan…

Senator Saciido ”Madaxwayne Farmaajo waxa uu baalmaray hanaanka awood qaybsiga beelaha”

Madaxweynuhu qabiil waa yaqaan,waana been ma yaqaan Qabiil,waxaana cadayn kuugu filan beeshiisa kaliya waxuu siiyay Laba Safiir anaguna kii kali ahaa ee awood qaybsiga aan ku helnay,ayaan ka la’nahay’ayay tiri Senatar Siciido markale.

Madaxweynuhu waa kan wax walba ku fadhiya albaabadana soo xirtay oo aan rabin in wax hagaagaan”ayay tiri Senatar Siciido oo hadalkeeda sii wadata.

Senatar Siciido oo ka mid ah Xubnaha laga soo doorto Puntland,gaar ahaan Gobolka sanaag waxay kaloo ku eedaysay Madaxweyne Farmaajo in uu Puntland si gaar ah weerar ugu yahay xiligii doorashadeedana uu faragalin xoog badan ku hayay,balse shacabka iyo Xukuumada Puntland oo iskaashanaya ay iska difaaceen.

Senatar Siciido waxay hadalkeeda kusoo gunaanaday in dalka rabi umaqan yahay Madaxweynihii loo durbaan tumayayna fashilmay oo wakhtiigiisa in uu dhamaysto uu meesha ufadhiyo.

Hadalka Senetarada waxuu noqonayaa kii ugu adkaa ee todobaadkan soo baxa oo lagu naqdinayo hogaamintii Madaxweyne Farmaaja-ha loo han weynaa,balse hungada lagala kulmay,hoos ka daawo muuqaalka.

Halkan ka daawo muuqaalka