Video:-Midowga Africa oo wada dhex-dhexaadinta Kenya iyo Somaliya

Wafti sare oo kas ocda Midowga Africa oo uu hogaaminayo Madaxweynihii hore ee South Africa Taawo Embeki,ayaa soo gaaray Muqdisho.

Waftigu waxuu kulan guud la qaatay madaxda Dowlada Dhexe ee Somaliya.

Sidoo kale waxaa jiray fadhi gaar ah oo ay yeesheen Farmaajo iyo
Thabo Mbeki ,kaasoo aan la ogayn arimaha ay kawada xaajoodeen.

Sida uu Warbaahinta la wadaagay Wasiirka arimaha dibada Dowlada dhexe ee Somaliya Axmed Ciise Cawad,booqashada waftigan waxay ku salaysan tahay horumarka amaanka.laga sameeyay Cilmi baarista,ayaa ku salaysan amaanka Geeska Africa,Bada Cas iyo Gacanka Cadmeed.

Khuburo la socota oo Somaliya,ayaa labada maalmood ee soo socda samayn doona Cilmi baaris kadib waxay ugudbin doonaan Midowga Africa.
Cilmi baarista,ayaa ku salaysan amaanka Geeska Africa,Bada Cas iyo gacanka Cadmeed.

Waftigan,ayaa soo maray ka hor imaanshahooda Somaliya Dalka Kenya oo muran badeed uu kala dhaxeeyo Somaliya.
Warar hoose oo aan wali si rasmi ah loo xaqiijin,ayaa tilmaamaya in waftigu u yimid dhexdhexaadinta Dowladaha Somaliya iyo Kenya,hoos akd aawo muuqaalka.


Halkan ka daawo muuqaalka