Video:-Markab qaraxyo usiday Alshabaab oo ka baxsaday Dekeda Muqdisho

Waxaa gacanta Dowlada Fadaraalka Somaliya ka baxay Markab siday Qaraxyo una rarnaa Alshabaab.

Markabkan oo lagu qabtay Dekeda Muqdisho,ayaa waxaa gacanta ku dhigay laamaha amaanka Dowlada,gaar ahaan Nabadsugida,balse waxyar kadib waxuu ka baxay gacantooda.

Sida uu xaqiijiyay Col.Cabdullaahi Cali Macow oo ah khabiir dhanka amaanka ah aadna uga faalooda amniga Somaliya, Markabakaas waxuu ugacangalay kooxda Alshabaab oo uu markii horaba usocday.

Markabka waxaa ka buuxay aaladaha ay ku sameeyaan Qaraxyada kooxda Alshabaab,siiba waxaa saarnaa aalada aadka khatarta u ah ee ay Gaadiidka ku dhajiyaan kadibna samaysa qaraxyada aadka uculus ee wax halaaga.sida uu markale sheegay Col.Macow.

Warkan,ayaa waxuu waji gabax ku yahay Dowlada dhexe ee ku mashquulsan olalaha doorasho 2021.

Sidoo kale waxuu banaanka soo dhigay sida ay u kala daadsan yihiin laamaha amaanka,musuqa ay ku shaqeeyaan iyo saamaynta kooxaha argagixisadu ku dhex leeyihiin,hoos ka dhagayso codka Macow.

Halkan ka daawo muuqaalka Macow